Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

Intii lagu guda jirey bishii Luulyo ayey 19 qof biyo ku harqadeen. Nin iyo naag ayaa lagu qabtay xuduudda Iswiidhishka, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay qarax fiidnimadii xalay ka dhacay magaalada Kobenheegan. Nin 27 jir ah ayaa lagu xukumey rummaanka, midkaasi oo lagu tuhunsanaa toogashadii geerida sababtay ee ka dhacday xaafadda Midsommarkransen oo dhacda koonfurta magaalada Stockholm.

Jaksot(1000)

Wararka maanta iyo Sweden

Wararka maanta iyo Sweden

Shirkadda Northvolt oo sii shaqeeyn doonta. Dambiile la qorsheenayey in lagu dili maxkamadda. Maamullada SFI iyo tababbarada xirfadaha oo la isku dareyo.

8 Tammi 20252min

Wararka maanta iyo Sweden

Wararka maanta iyo Sweden

Duufaan ka jirta Galbeedka Sweden Dacwad ku saabsan dilka shandadda Ganaax sanduuqii gaboobay ee tubaakada

7 Tammi 20252min

Wararka maanta iyo Sweden

Wararka maanta iyo Sweden

Waxaa maanta wali sii socda dhibaatooyinka ka jira isu socodka ee tareennada mara degmeda Laxå. Sagaal ka mid ah tobankii dhakhtar ee dibadda wax ku soo bartay ayaa ku dhacay imtixaanka lagu helo shatiga dhaktarnimada iswiidhen ee la qaaday bishii nofeembar. 14 qof oo kala bar ka mid ahi ay caruur ahaayeen, ayaa loo qaaday cisbitaalka ka dib markii ay ku sumoobeen maadada carbon monoxide oo ka soo baxday foorno lagu sameeynayay pizza.

3 Tammi 20252min

Wararka maanta iyo Sweden

Wararka maanta iyo Sweden

Ra'iisul wasaare ku xigeenka Ebba Busch ayaa tirtirtay qoraal ay soo dhigtay barta Instagram-ka halkaas oo ay ku qortay in dhibbanaha dambiga loo geeystay uu hadda u marag furi karo si qarsoodi ah. Tirada diiwaan gelinta cusb ee gawaarida rakaabka ee sannadkii 2024 ayaa ku dhamaatay heerkii ugu hooseeyay muddo toban sano ah. Tareennada u kala goosha magaalooyinka Stockholm iyo Göteborg ayaa saaka bilaabmay in ay shaqo galaan.

2 Tammi 20252min

Wararka maanta iyo Sweden

Wararka maanta iyo Sweden

Idaacada Iswiidhan boqol jirsatay, barnaamijkii ugu horeeyey ee baxana waxaa la sii daayey 1dii Jannaayo sannadkii 1925. Buundada dhexmarta Iswiidhen iyo Denmark ee Öresund oo rikoor cusub qortay ka dib markii dadka iskaga kala goosha labada waddan ay xad dhaafeen. Sannadka cusub ayaa la filayaa in cimiladu noqoto mid wadata dabayllo qaybo badan oo ka mid ah waqooyiga gobolka Norrland.

30 Joulu 20243min

Wararka maanta iyo Sweden

Wararka maanta iyo Sweden

Sannadkan sii dhamaanaya ee 2024-ta ayaa 42 qof kugeeriyooday goobaha shaqada sida lagu sheegay warbixin la soo saaray. Kadib markii sharciyo dhowr ah la bedelay, dalka Iswiidhan dad badan oo dambiyo lagu soo oogay, ayaa dalka laga saara marka ay dhameystaan xukunkooda. Xilliga dayrta, lacagaha la siiyo hay'adaha samafalka ee Iswiidhishka ayaa kordhay.

27 Joulu 20242min

Maanta iyo wararka radio Sweden

Maanta iyo wararka radio Sweden

Wiil 14-sano jir ah ayaa looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay qarax xalay ka dhacay xaafada Rosengård ee Malmö. Tirada qoysaska qaata kaalmada kirada guryaha ayaa hoos u dhacday 21% sida ay sheegtay qasnada caymiska ee Försäkringskassan. Xisbiga Kristdemokraterna ayaa badalay go'aankoodii hore ee la xirriiray buundada baramoosida ee dugsiyada hoose ee lagu dhaco.

23 Joulu 20242min

Wararka maanta iyo Sweden

Wararka maanta iyo Sweden

Nin 20-meeyo jir ah ayaa fiidnimadii khamiista lagu toogtay garaash ku yaala magaalada Norrköping. Baarayaasha xukuumadda ayaa soo jeediyeen, in dukaamada raashinka iyo farmashiyeyaasha ay ku qasbanaadaan inay qaataan lacagaha caddaanka ah. Shan walaalo ah oo lagu xukumay khiyaamo ku sabsan lacagha lagu qaato caawinaadaha daryeelka.

20 Joulu 20242min

Suosittua kategoriassa Politiikka ja uutiset

aikalisa
rss-ootsa-kuullut-tasta
ootsa-kuullut-tasta-2
tervo-halme
rss-vaalirankkurit-podcast
et-sa-noin-voi-sanoo-esittaa
rss-podme-livebox
rss-kuka-mina-olen
politiikan-puskaradio
rikosmyytit
otetaan-yhdet
aihe
rss-merja-mahkan-rahat
rss-raha-talous-ja-politiikka
rss-tasta-on-kyse-ivan-puopolo-verkkouutiset
radio-antro
rss-hyvaa-huomenta-bryssel
rss-50100-podcast
rss-skn-parhaat