
Maanta iyo wararka raadiyaha Iswiidhen
Ciyaaryahanka reer Iswiidhen eeTruls Möregårdh ayaa u soo baxay cayaarta faynalka ee kubbadda miiska ee ciyaaraha Olombikada Baariis. Degmada Sunne ee gobolka Värmland ayaa xabsiga loo taxaabay siyaasi ka tirsan maamulka degmada, kaas oo looga shakisan yahay inuu isku dayey inuu dillo nin ay saaxiibo ahaayeen.
2 Elo 20242min

Maanta iyo wararka raadiyaha Iswiidhen
16 jir iswiidhish ah ayaa lagu tuhunsan yahay isku day dil oo ka dhacay xaafadda Nørrebro ee magaalada Kobenheegan. Xiisaha loo qabo gawaarida Korontada ku shaqeeya oo hoos u dhacay. Barka koonfureed ee dalka oo cimilo wanaagsan yeelaya doona halka ey roobab xooggan oo sahlan ka di'id doonaan wqooyiga.
1 Elo 20242min

maanta iyo wararkii ugu dambeeyey ee raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ra'iisul wasaaraha Iswiidhen Ulf Kristersson oo mar kale ku celiyay digniinta ah in aan loo safrin Lubnaan. KooxdaTaalibaan oo jaray xiriirkii ay la lahaayeen dhowr safaaradood oo ay caalamka ku lahaayeen, eyna ku jirto safaaradda uu dalkaasi ku leeyahay Stockholm. Toddobo qof oo u dhaqdhaqaaqa cimilada oo xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay isku dayeen inay ka hortagaan goob macdanta laga qodo oo ku taalla Grimsås ee degmeda Tranemo.
31 Heinä 20242min

Maanta iyo wararka raadiyaha Iswiidhen
Labbo qof oo meydkooda laga dhex helay gaari gubtay oo loo maleeynayo inay u dhasheen Ingiriiska. 50 jir ka shaqeyn jiray goobaha adeegyada guryaha loona heeystay dilkii haweeney da' ah inuu dilay oo xabsi daa'inlagu xukumay. Qaar ka mid ah kooxaha heesaha dhaqanka Iswiidhen ee lagu magacaabo dansband oo ka cabanaya Rribada dahsoon ee heesaha dhaqanka.
30 Heinä 20242min

Maanta iyo wararkii ugu dambeeyey ee Raadiyaha Iswiidhen
Wiil 15 jir ah ayaa loo xiray ku lug lahaansho looga shakisan yahay dil ka dhacay Bagarmossen oo dhacda koonfurta Stockholm horaantii bishii Luulyo. Toogasho ka dhacday magaalada Jävla ayaa lagu dhaawacay saddex ruux kuwaas oo midkood markii dambe uu u dhintay dhaawicii ka soo gaaray. Waddada E 45 ee barbar marta Lilla Edet,ayaa la filayaa in dib loo furo 24saacadood gudood.
29 Heinä 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Caawa waxaa magaalada Paris ka furmaya ciyaaraha Olimbikada. Sannadkan iyo sannadaha soo socdaba waxaa la filayaa inay Iswiidhen magangalyo doon u soo doontaan dad ka tiro yar intii hore. Inta lagu jiro bisha Juun, shaqo la'aantu waxay ahayd mid halkeeda taagan marka loo eego bishii hore.
26 Heinä 20241min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Inkasta oo xiise ballaaran loo hayo difaaca madaniga ah ayey askar kummanaan gaareya uga baxeyaan wakhtiga oo ku yar. Wiil 18 jir ah ayaa loo qabtay qarax ka dhacay Upplands Väsby arbacaddii shalay, sida ay ay ku soo warrantay laanta idaacadda ee P4 Stockholm. Qiimaha daroogada amfetamin ee dalka Iswiidhen ayaa taariikhiyan ah mid hooseeysa.
25 Heinä 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Maamule shirkad dhisme ah oo ku taal Stockholm ayaa lagu soo oogay, waxyaabo oo ay ka mid yihiin ku danayasiga dadka u shaqeeya shirkadda. Gabadhii la tuhunsanaa in lagu dilay magaalada Landskrona ayaa noqotay gabadh ay da'deedu ahayd dhallaanka dhigta dugsiga dhexe. Shirkadda difaaca ee Saab ayaa dhamaystirtay dalabka balaayin ku baxayso ee nidaamka difaaca iyo qalabka difaaca oo loogu talagalay waddan reer galbeed ah oo aan la magacaabin.
24 Heinä 20242min






















