
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Howlgallo wadajir ah oo ka dhacay Stockholm iyo dalka Latvia, ayaa waxaa shalay lagu xiray siddeed qof oo looga shakisan yahay inay galeen dambiyo maaliyadeed oo halis ah. Dad badan ayaa ku jeeda haya'adda qaabilsan qasab ku urruurinta deymaha ee Kronofogden si ay lacag uga helaan shirkadda Northvolt oo ay dhibaatadu saameysey. Guryaha dhalinyarada lagu hayo ee HVB ayaa loo baahan yahay in si wanaagsan loo baaro.
25 Syys 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wiil aan weli qaangaarin ayaa lagu ridey xukun xabsi daa'in ah in uu dil geeystay, markuu xabsiga dhammeeystana dalka laga masaafuriyo. Xukuumadda ayaa u saartay guddi masiibo shirkadda Northvolt, middaasi na oo ka dambeeysay shaqaalaha badan ee lagu wargeliyey in shaqada laga fariisin doono. Maamulka degmada Stockholm ayaa iminkana go'aan ku gaaray inuu joojiyo taageeradii dhaqaale ee ururka Ibn Rushd.
24 Syys 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Kobaca dhaqaalaha, oo lagu cabbiro GDP, ayaa kor u kacay 0.9 boqolkiiba sanadkan iyo 2.3 boqolkiiba sanadka soo socda marka loo eego saadaasha. Xisbiga Liberalerna ayaa doonaya in la baabi'iyo qiimeynta shahaadada-F ee dugsiga sare, taa oo dad badan ka reeebta dugsiga sare. Sannadkan, markii ugu horreysay mawduuca bandhigga buugaagta ayaa noqonaya mid ku saabsan suugaanta iyo dhaqanka qowmiyadda Saami-ga.
23 Syys 20242min

Wararka maanta ee Radio Sweden
Qof ayaa la qabtay oo loo xiray shaki la xiriira inuu qeyb ka geeystay dil kadib toogashadii ka dhacday Hallstahammar. Orwa Kadoura oo xubin ka ahaa xisbiga Vänsterpartiet ayaa ka tagay xisbiga iyo Maamulka Gobolka Östergötland. 26 eey oo geerida loo fududeeyey kadib markii la heley iyaga oo dayac la liita.
20 Syys 20242min

Wararka maanta ee Radio Sweden
Nin ka tirsan ciidanka boliiska magaalada Malmö ayaa loola cararay isbitaalka ka dib markii madaxa jug laga gaarsiiyey isagoo howlgal ku jiray. Maxkamadda Racfaanka ayaa xaqiijisay xukunka maxkamadda hoose ee xabsi daa'in ah oo lagu riday labadii nin ee rasaasta furay. Filinka Filip iyo Fredrik ee 'Den sista resan - safarkii ugu dambeeyay' ayaa noqon doona kan Sweden u matali doona tartanka abaalmarinta Oscar-ka.
19 Syys 20241min

Wararka maanta ee Radio Sweden
Illaa iyo imminka ma jiraan wax war ah oo ku saabsan dhaawac ama dhimasho ku yimid muwaadiniinta iswiidhishka ah ee ku sugan Lubnaan oo la xiriira qaraxyadii shalay ka dhacay halkaas, Diyaarad siday wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka cadaaladda oo ku sii jeedday Ankara ayaa lagu khasbay inay ku soo laabato garoonka diyaaradaha Arlanda,Stockholm. Heeyadda saadaalinta hawada oo bixisay digniint jaallaha.
18 Syys 20242min

Wararka maanta ee Radio Sweden
Xubinta cusub ee hoggaanka cusub ee ururka Midowga Yurub - u meteli doonta Sweden Jessika Roswall (M) ayaa la soo jeediyey inay mas'uul ka noqoto arrimaha deegaanka. Xafiiska shaqada ayaa ku wargeliyey 228 ka mida shaqaalihiisa in shaqada laga eryi doono, sida lagu sheegay war-saxaafadeed. Waxa soo baxday warbixintii magaalooyinka martigelin doona Melodifestival-ka sannadka soo socda.
17 Syys 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Sweden ayaa hoggaamin doonta saldhig cusub ee Nato oo laga dhisi doono waqooyiga dalka Finland. Toddoba qof ayaa maxkamad loo soo taagey dacwad ka dhan ah oo la xiriirta rabshado culus oo la xiriira ka hortag bannaanbax oo xagaagii sannadkii hore ka dhacay nawaaxiga Järva xafladdii dhaqanka ee eriteriyaanka, Laga bilaabo kala guurka sannadka waxaa la joojin doonaa in qashinka lagurido sigisyada. Degmada Kalmar oo laga doonayo inay dib u soo celiyo ku dhowaad lix malyan oo karoon.
16 Syys 20242min






















