
Maanta iyo wararka radio Sweden
Wiil 14-sano jir ah ayaa looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay qarax xalay ka dhacay xaafada Rosengård ee Malmö. Tirada qoysaska qaata kaalmada kirada guryaha ayaa hoos u dhacday 21% sida ay sheegtay qasnada caymiska ee Försäkringskassan. Xisbiga Kristdemokraterna ayaa badalay go'aankoodii hore ee la xirriiray buundada baramoosida ee dugsiyada hoose ee lagu dhaco.
23 Joulu 20242min

Wararka maanta iyo Sweden
Nin 20-meeyo jir ah ayaa fiidnimadii khamiista lagu toogtay garaash ku yaala magaalada Norrköping. Baarayaasha xukuumadda ayaa soo jeediyeen, in dukaamada raashinka iyo farmashiyeyaasha ay ku qasbanaadaan inay qaataan lacagaha caddaanka ah. Shan walaalo ah oo lagu xukumay khiyaamo ku sabsan lacagha lagu qaato caawinaadaha daryeelka.
20 Joulu 20242min

Wararka maanta iyo Sweden
Maxkamada degmada Södertälje ayaa maanta xukun xabsi daain ah ku riday nin dilay labo caruur ah oo uu dhalay. Maanta ayaa shan dhallinyaro ah lagu soo oogay dacwad ah inay ku lug lahaayeen dilka Mikael oo 39 jir ahaa, kaas oo gugii la soo dhaafay lagu toogtay xilli uu marayey waddo ku taalla xaafadda Skärholmen. Tirada carruurta ku dhaawacantay baaskiila korontada ku shaqeeya oo aad u korortay.
19 Joulu 20243min

Wararka maanta iyo Sweden
Iskuulka Islamiska ee ku yaalla magaalada Växjö oo maanta ay soo wajahday hanjabaad. Nin iyo naag 20-meeyo jir ah ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii looga shakiyay burburin dadweye iyo ku xad gudubka sharciga walxaha qarxa. Iskuulaadku waa iney ka helaan laamaha adeegga bulshada, boliiska iyo iskuulaadka kaleba macluumaadka ku saabsan ardeyda ku wajahan iney ku biiraan kooxaha dambiilayaasha.
18 Joulu 20242min

Wararka maanta iyo Sweden
Shalay ayaa qof loo xiray tuhun dil ah kadib markii haweeney dhaawac ah lagu arkay meel banaan ah ee nawaaxiga Märsta fiidnimadii axaddii. Haweeney 30-meeyo jir ah oo xalay ku dhaawacantay toogasho ka dhacday magaalada Växjö ayaa geeriyootay. Shantii kalkaaliso caafimaad mid ka mid ah ee qalinjabisay intii u dhaxaysay sannadahii 2020 ilaa 2022 ayaa isaga tagay goobaha daryeelka shaqada ee gobolladu maamulaan.
17 Joulu 20242min

Wararka maanta iyo Sweden
Haweeney 30 jir ah ayaa fiidnimadii axaddii laga helay nawaaxiga Märsta ee waqooyiga magaalada Stockholm iyadoo dhaawac xun loo geeystay. Nin 74 jir ah ayaa lagu xukumay xabsi daain, ka dib markuu sannadkii 1995-tii dil ugu geeystay magaalada Linköping haweeney uu xiriir kala dhaxeeyay wakhtigaa. Sigaar cabidda oo sii yaraanaysaa, halka isticmaalka tubakadana ay kor u sii kaceeyso.
16 Joulu 20242min

Wararka maanta iyo Sweden
Qorshe cusub oo lagu yareynayo cunsuriyadda. 200 oo qof ayaa habeen iyo maalin ka shaqeynayey dayactirka waddada xadiidka Malmbanan. Kirismaska cad oo ku yar koonfurta laakiin ku badan nawaaxiga waqooyi ee dalka.
13 Joulu 20242min

Maanta iyo wararka radio Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Tuhunkii la xirriiray kufsiga ee lagu soo eedeyey ciyaaryahanka kubada cagta ee Kylian Mbappé oo la baa bi'iyey.Sicir bararka ayaa bishii Nofeembar kor u kacay 1.8 boqolkiiba marka loo eego cabbirka hey'adda KPIF, sida lagu sheegay warsaxaafdeed ka soo baxay laanta tirakoobka ee SCB.Saddex qof ayaa xabsi dheer lagu xukumay, kadib markii ay ku lug lahaayeen samaynta iyo daabulida bamka Tarmuuseed iyo jebinta sharciga walxaha qarxa.
12 Joulu 20242min






















