
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Qof labaad ayaa loo qabtay weerarkii xabadeeynta ee lagu qaaday shirkaddii israa'iil ee tenikada hubka ee lagu magacaabo Elbit. Madaxa xukuumadda Sweden Ulf Kristersson ayaa sheegay inuu doonayo inay EU-du argagixiso ku shaabadeeyso ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iiraan. Sagaalkii subaxnimo ee isniinta maanta ayay maxkamadda degmada Malmö ka furantay dacwad ka dhan ah Rasmus Paludan.
14 Okt 20242min

Wararka maanta iyo Sweden
Isbeddelka cimilada ee dhammaadka todobaadka iyo raadadka duufaanta Kirk. Qof ku dhaawacmay biriq ayaa weli ku jira isbitaalka. Ballanqaad taageero macallimiinta diida inay ardayda soo sheegaan.
11 Okt 20242min

Wararka maanta ee Sweden
Nin ayaa loo xukumay kufsi caruur. Isku day ku tashkiilin carruur falal denbi. Deeq lagu heysto sida ay degmadda Botkyrka u isticmaashay.
10 Okt 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Hal qof ayaa ku dhaawacmay toogasho ka dhacday xarunta Sollentuna. Tigidhada safarada SJ ee Kirismaska oo saf dheer noqday. Fritidsbanken- laaybareeriga qalabka ciyaaraha oo oo xukuumadda ka heshay 10 milyan oo karoon.
9 Okt 20242min

Wararka maanta ee Iswiidhen
Sicir-bararka oo hoos u dhacay. Middaasi ayaa ka dhigan inuu Bangiga Qaranku sida laga yaabouu hoos laba jeer u dhigo ribada hoggaanka marka xigta bisha Nofeember,sida culimada dhaqaaluhu sheegeen. Guurka qraabada ilma adeerta iyo ilma habreedka iyo wlaalaha uu waalid ka dhexeeyo oo la soo jeediyey in la mamnuuco. Bisha Sebtermbar ee sannadkan waa bishii labaad ee ugu kululeyd bilaha sebteembar ee laga diiwaan geliyay adduunka, sida laga soo xigtay adeegga cimilada ee EU, Copernicus.
8 Okt 20242min

Wararkii ugu dambeeyey ee Raadiyaha Iswiidhen
Wiil dhallinyaro ah oo loo xiray dil. Dambi ka dhacay dugsi xannaanada ee Flen. Heyadda saadaalinta hawada oo ka digtay baraf.
7 Okt 20241min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
Nawaaxiga magaalada Göteborg ayey habeennimadii xalay iyo arroornimadii saaka ka dhaceen laba qarax. Qiimaha cunnada ayaa mar kale kor u kacay. Bishii sebteember ayuu qiimuhu kor u kacay 0,2 boqolkii, sida laga soo xigtay tirakoobka ururka Matpriskollen. Waxaa kor u kacay qiimaha kirooyinka guryaha 5,0 boqolkiiba, sida ku cad tirakoobka xafiiska dhexe ee tirakoobka ee magaceeda loo soo gaabiyo SCB.
4 Okt 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
Dembiyadii ka dhanka ah safaaradaha Israa'iil ee Stockholm iyo Copenhagen ayaa la fuliyay ka dib amar ka yimid shabakadda gaangiska ee Foxtrot, sida warar soo gaaray taleefishinka SVT lagu sheegay. Tirakoobyada degmooyinka iyo gobollada Iswiidhan ee bishii Agoosto ayaa muujiyay in safka daryeelka caafimaad uu aad u dheeraa.
3 Okt 20243min






















