Wararka maanta iyo Sweden

Wararka maanta iyo Sweden

Isak oo u wareegaya Liverpool Nin loo soo qabtay qarax ka dhacay Stockholm Fredrik Malm (L) oo siyaasadda isaga tegaya

Episoder(1000)

Wararka maanta iyo Sweden

Wararka maanta iyo Sweden

Iswiidhen ayaa lacag gaaraysa182 milyan oo karoon ugu deeqaysa dadka ay dhibaatada baani ku hayso lix dalal. Booliska ayaa hadda isticmaalaya baraha bulshada si ay u joojiyaan dhalinyarada ay tashkiiliyaan kooxaha dambiilayaasha ah. Nin baa taksiile fiidnimadii isniinta ugu hanjabay bistoolad, ninkan ayaa la sheegay in uu ku eedeeyey in taksiiluhu oo si tartiib ah u kaxeenayay gaariga.

3 Des 20242min

Wararka maanta iyo Sweden

Wararka maanta iyo Sweden

Nin iyo laba dumar ah ayaa lagu xukumay ganaax-maalmeed ah ka dib markii ay khudrad ku tuureen wasiirka arrimaha dibadda Maria Malmer Stenergard (M). Waxaa sii kordhaya tirada dhalinyarada ku khamaaraya lacagta, gaar ahaan wiilasha. Laga bilaabo sanadka cusub, lacagta warqadda boostada lagu diro ayaa lagu kordhin doonaa afar karoon.

2 Des 20241min

Wararka maanta iyo Sweden

Wararka maanta iyo Sweden

Hay'adda saadaasha hawada - SMHI, ayaa soo saartaa digniin jaale ah oo ku saabsan silbasho baraf galabta manta iyo berrito oo sabti ah. Dadka lagu leeyahay deeymaha ardayda ayaa ah inay bixiyaan wax yar oo dheeraad ah sanadka soo socda. Qarax ayaa ka dhacay guri dabaq ah oo ku yaala xafaadda Kungsholmen ee magaalada Stockholm arroornimadii hore ee jimcaha.

29 Nov 20242min

Wararka maanta iyo Sweden

Wararka maanta iyo Sweden

Nin xubin sare ah oo ka tirsan shabakada dambiilayaasha ee Foxtrot oo dib loogu celinayo Iswiidhen. Baarlamaanka oo 'HAA' ku aqbalay soo jeedinta xukuumadda ee la xirriirta in la ogolaado in aan la magacaabin markhaatiga inta lagu guda jiro baaritaanada hordhaca ah iyo kiisaska dambiyada. Dhaqaalaha Iswiidhen oo ay ka muuqdaan calaamado soo kabasho ah, sida uu qabo machadka dhaqaalaha ee dawladda.

28 Nov 20242min

Wararka maanta iyo Sweden

Wararka maanta iyo Sweden

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa maanta oo arbaco ah ugu codeeyay 'haa' guddiga cusub ee Yurub. Booliska ayaa baaraya labo qarax oo xalay labo magaalo ka kala dhacay. Ganacsiga badeecadaha ama alaabaha gacan labaadka ama second-hand ayaa sii kordhaya.

27 Nov 20242min

Wararka maanta iyo Sweden

Wararka maanta iyo Sweden

Tirada dadka ku dhaca wadna istaaga degdega ah ayaa ku sii socota inay hoos u dhacdo. Subaxnimadii Isniinta, ayaa heerkulka magalada Göteborg ka jiray lagu cabiray 14.0 digrii. Tess Olofsson ay noqon doonta garsooraha joogtada ah ee horyaalka ragga ee Iswiidhen bilowga xilli ciyaareedka soo socda.

26 Nov 20241min

Wararka maanta iyo Sweden

Wararka maanta iyo Sweden

Dhulgariir ayaa axadii ka dhacay baliga Vänern, ee ku yaalla koonfurta magaalada Karlstad. Wiil toban jir ah ayaa ku qarqamay barkad ku taal beerta madaddaalada ee Skara sommarlands xagaagan. Inta lagu jiro toddobaadka qiimo dhimista ee loo yaqaan Black Week, ayaa jira cadaadis badan oo saaran darawalada gawaarida yar yar ee xamuulka.

25 Nov 20242min

Wararka maanta iyo Sweden

Wararka maanta iyo Sweden

Weriyaha ka hawl gasha Raadiyaha Iswiidhen ee qaabilsan Bariga Dhexe, Cecilia Uddén, ayaa ku guulaysatay abaalmarinta saxafiyiinta ugu weyn ee qeybta codka sanadka. Iswiidhen ayaa ka taageeri doonta wax soo saarka dalka Yukreeyn ee gantaalada riddada dheer iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee riddada dheer. Seddex qof oo Iswiidhish ah ayaa midkiiba toban sano oo xarig ah lagu xukumay, xukunkaa oo lala xiriirinayo dil ka dhacay caasimadda Sarajevo ee dalka Bosnia.

22 Nov 20242min

Populært innen Politikk og nyheter

giver-og-gjengen-vg
aftenpodden
aftenpodden-usa
forklart
popradet
lydartikler-fra-aftenposten
det-store-bildet
stopp-verden
bt-dokumentar-2
fotballpodden-2
dine-penger-pengeradet
nokon-ma-ga
frokostshowet-pa-p5
e24-podden
rss-dannet-uten-piano
aftenbla-bla
rss-gukild-johaug
rss-ness
rss-penger-polser-og-politikk
unitedno