
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
Nawaaxiga magaalada Göteborg ayey habeennimadii xalay iyo arroornimadii saaka ka dhaceen laba qarax. Qiimaha cunnada ayaa mar kale kor u kacay. Bishii sebteember ayuu qiimuhu kor u kacay 0,2 boqolkii, sida laga soo xigtay tirakoobka ururka Matpriskollen. Waxaa kor u kacay qiimaha kirooyinka guryaha 5,0 boqolkiiba, sida ku cad tirakoobka xafiiska dhexe ee tirakoobka ee magaceeda loo soo gaabiyo SCB.
4 Okt 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
Dembiyadii ka dhanka ah safaaradaha Israa'iil ee Stockholm iyo Copenhagen ayaa la fuliyay ka dib amar ka yimid shabakadda gaangiska ee Foxtrot, sida warar soo gaaray taleefishinka SVT lagu sheegay. Tirakoobyada degmooyinka iyo gobollada Iswiidhan ee bishii Agoosto ayaa muujiyay in safka daryeelka caafimaad uu aad u dheeraa.
3 Okt 20243min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
Saddex qof oo iswiidhish ah ayaa maanta lagu xidhay magaalada Copenhagen. Waxaa loo xiray laba qarax ee habeennamadii Arbacadu soo galaysay, ka dhacay meel u dhow safaaradda Israa'iil ee Denmark. Dacwad abiil ah ayaa laga qaatay go'aankii hoosta loogu dhigey dacwaddii la xiriirtay iskudirka qowmiyadaha ee horey loogu eedeeyey Rickard Jomshof oo ka tirsan xisbiga sverigedemokraten. Magaalada Uppsala ayaa laga heley nooc tufaax aan caadi ahayn.
2 Okt 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
Tirada shirkadaha busaaradaystay (dhaqaale beeley) bishii Sebtembar ayaa kor u kacay. Xisbiyada Centerpartiet iyo Miljöpartiet ayaa raba in xukuumaddu ay magacowdo guddi baarlamaani ah si iskuraacid ballaaran loogu heli lahaa sidii dib u habeeyn lagu sameeyo nidaamka shahaadooyinka. Sannad kasta, in ka badan 1200 qof oo iswiidhish ah ayaa is dila.
1 Okt 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah App beeen abuur ah ee lacagta Iswish-ka oo beryahan laga isticmaalayey goobo ay ka mid tahay nawaaxiga Varberg.Laba qof oo xalay fiidnimadii toogasho lala beegsadey xaafadda Rissne ee degmada Sundbyberg, Stockholm.Sweden ayaa berrito yeelan doonta abbaanduule cusub ee milateri.
30 Sep 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Ma jiri doonto cid sharci kale loo eegayo marka loo eego xeerarka shaqaalaha soo galootiga ah ee ka shaqeeya Northvolt. Xukuumadda ayaa dooneysa inay xaddido gunooyinka qoysaska waaweyn, waxayna hadda dooneysaa in la baaro arrintan. Hay'adda saadaasha hawada ee SMHI aya digniin ka soo saartay roob badan oo ka da'aya koonfur-bari Iswiidhen maanta.
27 Sep 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wakiilada baarlamanka ee cadaaladda ayaa dhaleeceyn culus u jeediyay guddoomiyaha gobolka Stockholm, Anna Kinberg Batra. Degmooyinka Iswiidhen ayaa sanadkii hore lacag dhan 200 milyan oo karoon siisay shirkado maamula guryaha dhallinyarada lagu haayo ee loo yaqaan HVB. Nin 40 jir ah ayaa lagu xukumay xabsi kadib markii uu si qarsoodi ah filim uga duubay gabdho wax ka baranayay iskuul ku yaala Karlstad oo uu ka shaqayn jiray.
26 Sep 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Howlgallo wadajir ah oo ka dhacay Stockholm iyo dalka Latvia, ayaa waxaa shalay lagu xiray siddeed qof oo looga shakisan yahay inay galeen dambiyo maaliyadeed oo halis ah. Dad badan ayaa ku jeeda haya'adda qaabilsan qasab ku urruurinta deymaha ee Kronofogden si ay lacag uga helaan shirkadda Northvolt oo ay dhibaatadu saameysey. Guryaha dhalinyarada lagu hayo ee HVB ayaa loo baahan yahay in si wanaagsan loo baaro.
25 Sep 20242min






















