
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Aqlabiyadda baarlamaanka ayaa doonayo in la adkeeyo shuruucda iibinta ee loo adeegsado wicitaanada taleefannada. In ka badan afartan takhaatiir oo ka hawl gala gobolka Stockholm iyo gobolka Västra Götaland ayaa lacag lagu siiyay booqashooyin caafimaad oo ay laftoodu bukaan socod ka ahaayeen. Rabshadaha gaangiska ee koonfurta magaalada Stockholm ayaa sii kordhay dhawaanahan, sida uu sheegay boolisku.
17 Okt 20242min

Wararka maanta ee Raadiyah Sweden
Haweeney reer Västerås ah ayaa lagu xukumay xabsi, kadib markii ay lacag dhan 860 000 oo karoon ah ka xadday islaan 70-meeyo jir ah. Muddo sannad ah ayaa maanta ka soo wareegtay falkii argagixisada ee ka dhacay magaalada Brusells ee toogashada lagu diley laba muwaadin oo Iswiidhish ah. Haweeney aan dooneyn in la ogaado qofka ay tahay ayaa 10 milyan oo karoon ugu deeqday xarunta dhexe ee cudurka macaanka ee jaamicadda Lund.
16 Okt 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Bishii sebtembar, 7,600 oo qof ayaa la ogeysiiyay in shaqada laga ceyriyay, waa in 1000 ka badan isla muddadaas ee sannadkii hore. Go'aan ka soo baxay Xafiiska La Dagaalanka Faqooqa DO ayaa lagu sheegay inaan loo macneeyn karin faqooq in ardeyda aan caqiido ahaan u cuni karin hilibka khaansiirka aaney helin hilib kale''. Saddex maamule oo ka tirsan degmeda Botkyrka ayaa lagu wargeliyay in shaqada laga ceyriyay.
15 Okt 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Qof labaad ayaa loo qabtay weerarkii xabadeeynta ee lagu qaaday shirkaddii israa'iil ee tenikada hubka ee lagu magacaabo Elbit. Madaxa xukuumadda Sweden Ulf Kristersson ayaa sheegay inuu doonayo inay EU-du argagixiso ku shaabadeeyso ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iiraan. Sagaalkii subaxnimo ee isniinta maanta ayay maxkamadda degmada Malmö ka furantay dacwad ka dhan ah Rasmus Paludan.
14 Okt 20242min

Wararka maanta iyo Sweden
Isbeddelka cimilada ee dhammaadka todobaadka iyo raadadka duufaanta Kirk. Qof ku dhaawacmay biriq ayaa weli ku jira isbitaalka. Ballanqaad taageero macallimiinta diida inay ardayda soo sheegaan.
11 Okt 20242min

Wararka maanta ee Sweden
Nin ayaa loo xukumay kufsi caruur. Isku day ku tashkiilin carruur falal denbi. Deeq lagu heysto sida ay degmadda Botkyrka u isticmaashay.
10 Okt 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Hal qof ayaa ku dhaawacmay toogasho ka dhacday xarunta Sollentuna. Tigidhada safarada SJ ee Kirismaska oo saf dheer noqday. Fritidsbanken- laaybareeriga qalabka ciyaaraha oo oo xukuumadda ka heshay 10 milyan oo karoon.
9 Okt 20242min

Wararka maanta ee Iswiidhen
Sicir-bararka oo hoos u dhacay. Middaasi ayaa ka dhigan inuu Bangiga Qaranku sida laga yaabouu hoos laba jeer u dhigo ribada hoggaanka marka xigta bisha Nofeember,sida culimada dhaqaaluhu sheegeen. Guurka qraabada ilma adeerta iyo ilma habreedka iyo wlaalaha uu waalid ka dhexeeyo oo la soo jeediyey in la mamnuuco. Bisha Sebtermbar ee sannadkan waa bishii labaad ee ugu kululeyd bilaha sebteembar ee laga diiwaan geliyay adduunka, sida laga soo xigtay adeegga cimilada ee EU, Copernicus.
8 Okt 20242min






















