
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Xukuumadda iyo xisbiga Sverigedemokraterna, (SD) ayaa maanta shir ku soo bandhigey qorshe la xiriira miisaaniyadda deyrta. Boliiska degmada Eskilstuna ayaa go'aansaday inuu laba goobood ku soo rogo xeerka goobaha ammaanka ah. Amiirad Sofia iyo seeygeeda amiir Carl Philip ayaa sugaya ilmo hor leh oo u dhasha, sida lagu qorey shaashadda qasriga boqortooyada.
3 Sep 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Booliska magaalada Malmö ayaa bilaabay howlgal gaar ah oo ay ugu magacdareen 'Albert', sida uu qoray wargeyska Aftonbladet. Nin booliis ah ayaa waxaa baaraya rugta xeer ilaaliyaha gaarka ah ka dib markii uu casuumaad xiriri jinsi u diray haweenka da'da yar ee nugul, kuwaas oo uu la kulmay isaga shaqadiisa ku jira. Iibka gawaarida cusub ayaa hoos u dhacay, sida uu shegay ururka warshadaha ee Mobility Sweden.
2 Sep 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Shir jaraa'id ayaa maanta lagu sheegay in illaa hadda Iswiidhen laga heley oo keliya hal qof nooca culus ee cudurka m-pox. Badankood dukaammada dalka ka furan ayaa weli qaata lacagta caddaanka ah. Waxaa kor u kacdey tirada shilalka geerida sababa iyo kuwa la xiriira shaqada ee shirkadaha dhismaha.
30 Aug 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Qof ayaa loo qabtay tuhun inuu gacan ka geeystay dilkii laba muwaadin oo Ingiriis ah. Dhaqaalaha wax soo saarka Sweden BNP, ayaa hoos u dhacay 0,3 boqolkii rubicii bilaha sannadka ee labaad, (abriil-juun) marka loo barbardhigo rubicii ka horreeyay (janaayo-maarso). Haweenka ayaa uga badan iney tagaan dhakhtarka ilkaha marka loo barbardhigo ragga. Magaalooyinka Sweden ee Uppsala, Umeå iyo magaalada Faro ee dalka Portugal ayaa ah magaalooyinka Yurub kuwooda ugu hawada nadiifsan.
29 Aug 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
Laba kurey ayaa lagu xukumey faldambiyeed la xiriira saddex dil oo ka dhacey nawaaxiga magaalada Stockholm bishii oktoobar ee sannadkii tagay. Xukuumadda ayaa doonaysa inay soo rogto mamnuucid qaran ee isticmaalka mobaaylada ee dugsiyada aasaasiga ah (hoose dhexe). Goobo ka tirsan Sweden ayey dembiyada jirdilka iyo guryaha la jabsadaa kaga badan yihiin goobaha kale, sida ku cad qariideyn uu sameeyay ururka ka hortagga dembiyada ee BRÅ.
28 Aug 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
18-jira lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay dilkii isniintii ka dhacay Malmö ayaa ka soo baxsaday goob ay laanta adeegga bulshadu ku meeleeysay. Shirkadda tareemmada ee SJ ayaa joojin doonta khadka tareenka pendel-ka ee isaga goosha magaalooyinka Stockholm iyo Uppsala. Laba nin ayey ka soo gaareen dhaawacyo culus kadib toogasho ka dhacday xaafadda Husby, Stockholm. Dalka Taayland oo cusbooneeysiin ku sameynayo quwaddiisa ciidanka cirka kuna kordhinaya dayuurradaha dagaalka ee JAS 39 Gripen.
27 Aug 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
Toogasho ka dhacday maanta xaafadda Rosengår ee magaalada Malmö oo qof ku geeriyooday. Nin 35-meeyo jir ah ayaa ku geeriyooday magaalada Uddevalla kadib shil la xiriiray baaskiilka korontada ee lugta lagu riixo. Ku dhowaad 30 boqolkiiba dadka ku geeriyooda shil mooto ayaan heeysan laysankii looga baahnaa.
26 Aug 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Dad ka badan ayaa muddo dheer shaqa la'aan ah, marka loo eego tirakoobyada cusub ee wakaaladda tirakoobka ee magaceedaa loo soo gaabiyo SCB. Wakaaladda macaamiisha ayaa hadda go'aansatay in ay baarto shilkii dhimashada sababay ee ka dhacay Skara sommarland oo wiil toban jir ah uu ku qaraqmay bilowgii bishii Agoosto. Wax iibsiga online-ka ee Iswiidishka ayaa sii kordhaya, gaar ahaan alaabada dibedaha. Booliska Göteborg ayaa helay hub badan oo qarsoon oo lala xiriirinayo dambiilayaal burcad ah.
23 Aug 20242min






















