
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Dalka Jarmalka ayaa dacwad lagu soo oogey laba nin oo weerar argagixiso ku qaadi lahaa xarunta baarlamanka Iswiidhen. Xukuumadda Iswiidhen ayaa u magacoowday ergey gaar ah dalka Yukrayn. Bangi kale oo ka mid ah bangiyada waaweyn ayaa hoos u dhigaya ribada deeymaha guryaha lagu iibsado.
22 Aug 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Ka dib hoos u dhisgistii shalay dulsaarka hagidda ee Bangiga Qaranka ey hadda dhowr bangi dhimeyaan ribada deeymaha guryaha. Nin 35-meeyo jir ah ayaa lagu soo eedeeyey tuhun la xiriira afar kiis oo isku day dil ah ee magalaada Västerås. Ilmaha Iswiidhen ku dhaqan ayaa ku riyooda iney noqdaan aqoon yahan cilmiga caafimaadka xoolaha, youtuber, boliis, iyo khabiir jardiinooyinka la beerto. Khiyaanoole isku dayay inuu dhaco islaan sagaashameeyo jir ah ayaa gacanta lagu dhigay degmada Huddinge.
21 Aug 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Shirkadda dhismaha ee JM ayaa ku wargelinaysa iney shaqada waayi doonaan 145 shaqaale oo uga howlgala Iswiidhen. Hoggaanka degmada Göteborg ayaa ku wareejin doona nus bilyan karoon beerta raaxada ee Liseberg. Laba nin ayaa dacwad lagu soo oogey kadib markii lagu eedeeyey iney ka dambeeyeen abaabulka 43 kiilo oo ah maandooriyaha koka'iinta oo dalka kontarabaan lagu soo geliyey. Machadka Karolinska iyo jaamicadda Uppsala ayaa weli ka mid ah 100-ka jaamicadood ee caalamka ugu wanaagsan.
20 Aug 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Iswiidhen ayaa lagu qabtay nin lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay fal argagixisnimo oo ka dhacay dal kale. Islaantii dhashay Rawa Majid, oo loo yaqaanno dawacadii kurdishka, aya lagu qabtay deegaanka kurdida ee dalka Ciraaq Dalka Mareeykanka ayaa lagu dhow yahay in lagu guuleeysto xalinta dil loo geeystay haweeney Iswiidhish ahayd muddo 50 sano hada ay ka soo wareegtay.
19 Aug 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
Iswiidhan ayaa laga helay kiiskii ugu horreeyay ee noocyada cusub ee cudurka fayraska mpox. Nin ayaa laga helay cudurkan magaalada Stockholm, ka dib markii uu ku ka soo laabtay Afrika. 20 qof ayaa lagu soo oogay dacwad, kuwaas oo looga shakisan yahay, waxyaabo ka ah diyaargarowga dil ee Väsby ee Upland ee jiilaalka hore.
16 Aug 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Saddex qof oo rummaanka loo dhigey faldembiyeed oo ka dhacay xaafadda Södermalm ee Stockholm.Saddex qof oo kale oo lagu soo oogey iney ka dambeeyeen dil nin soddomeeyo jir ah xaafadda Fittja bishii maarso 2024.Xukuumadda oo u magacawday agaasimeyaal cusub heyadda hoggaanka bulshada iyo wakaaladda kastamka.
15 Aug 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Maxkamad Jarmal ah ayaa u yeertay muwaadin reer Yukreeyn ah, kaas oo looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa qarxinta dhuumaha gaaska Nord Stream ee badda Baltikada ee sanadkii 2022. Kiiskii Baaritaanka ka dhanka ahaa wasiirkii hore ee gaashaandhigga dalka Ciraaq Najah al-Shammari ayaa la xiray. Waxaa si isa soo taraysa isla markaana noqonaysa wax caadi ah in askarta booliisku ay shaqadooda ku waayaan sababo la xiriira habdhaqan aan habboonayn.
14 Aug 20242min

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
Waxaa hadda caddaatay inuu sarkaal ka tirsan boliiska uu ka howlgeli doono dalka Danmark, sida ay ku warrantay laanta idaacadda ee P4 Malmöhus. Maxkamadda sare ee Sweden ayaa go'aan ku gaartay inaanay furi doonin dacwaddii la xiriirtay gabar yar oo waalidkeed ey ku sumeeyeen khal magaalada Eslöv. Boliiska dalka Noorwey ayaa doonaya inuu bilaabo wadashqeeyn kormeerid howlgal ah oo uu la yeesho boliiska iswiidhishka.
13 Aug 20242min






















